(Sawirro) Xildhibaan tacsida hooyadiis ku sii jeeday oo shil gaari ku geeriyooday

Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray shil gaari

Sida laga soo xigtay qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland shilkan ayaa ka dhacay degaanka Midigale oo qiyaastii 40-Km u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka uu ku sii jeeday degmada Badhan oo uu doonayay in uu kaga qayb-galo Tacsida Hooyadiisa marxuumad Raxma Ciise oo halkaas ku geeriyootay magaalada Badhan.

Madaxda Maamulka Puntland iyo qeybaha bulshada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida xildhibaanka oo isbitaalka Badhan ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -